Qarax khasaare geystay oo goor dhaw ka dhacay Kismaayo

0
kismaayo map

Wararka caawa laga helayo magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in qarax uu ka dhacay goob ku taalla bartamaha magaalada oo ay ku caweynayeen dad u badan dhallinyaro.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad u badan dhalinyaro oo halkaas ku sugnaa, waxaana la sheegay in goobta uu qaraxu ka dhacay ay aheyd biibito lagu cayaarayey Dublad.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxaas loo adeegsaday Bam gacmeed lagu weeraray maqaaxida oo ku taalla bartamaha magaalada Kismaayo, gaar ahaan isgoyska Golol.

Weli si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, waxayna dadka noo waramay ay sheegeen in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, dadkii ay wax yeeladu soo gaartana loola cararay cisbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here