Qaraxii Ex-Control wuxuu muujiyey sida ay awoodda Al-Shabaab ee magaalada gudaheeda usii wiiqmeyso

qarax exkontorool afgooye

Weerarkii Al-Shabaab ay shalay ka fulisay Ex-Control Afgooye, waxa uu muujinayaa in Al-Shabaab looga adkaanayo gudaha magaalada Muqdisho, waxaa sidaas qaba qaar ka mid ah khubarada amniga.

“Barta Al-Shabaab ay u doorteen weerarka, oo ah halka Muqdisho laga soo galo ee dhinaca galbeed, waxa uu ka tarjumayaa, sida ay usii wiiqmeyso awoodda Al-Shabaab ay u leedahay inay weeraro u qorsheyso una fuliso sida ay dooneyso” waxaa sidaas yiri Axmed Barre oo ah khabiir dhinaca amniga ah oo la hadlay wakaaladda wararka AP.

Amniga gudaha magaalada Muqdisho ayaa bilihii dhowaa aad loo adkeeyey, waxaan hay’adaha amniga ay soo rogeen tallaabooyin adkayanaya in baabuurta qaraxda lasoo geliyo magaalada.

“Waxay u muuqataa in Al-Shabaab ogaayeen in baabuurka ay qaraxyada kusoo xireen uusan soo dhaafeyn barta kantarool, uuna soo gelin karin gudaha magaalada, ayada oo aan la qaban, sidaas darteed ayaga oo garowsan caqabadaha ka horreeya, inay qarxiyaan bar kantarool oo mashquul badan, si ay awood u muujiyaan, wuxuu u muuqdaa go’aan macquul ah” ayuu yiri Axmed Barre.

Wixii ka dambeeyey markii dowladda ay xirtay waddooyinka laga soo galo magaalada, islamarkaana la kordhiyey ciidamada sirdoonka ah ee magaalada ka dhex shaqeeyaa, waxaa si xooggan hoos ugu dhacay qaraxyadii iyo dilalkii gudaha magaalada.

Horraantii bishan, weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen hotel SYL, oo u dhow madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sidoo kale muujiyey sida ay hay’adaha amniga uga hortageen qaraxyadii baabuurta.

Al-Shabaab oo sida caadiga ah hoteellada ay galayaan marka hore ku dhufan jiray qarax baabuur, kadibna gali jiray, ayaa Hotel SYL waxay galeen ayaga oo socda oo lugaynaya, taasi oo yareysay qaraxyadii.

Inkastoo oo gelista hotel sidaas ugu dhow madaxtooyada aysan tilmaam wanaagsan ka bixineyn xaaladda amniga magaalada, haddana xaqiiqda ayaa ah in qaraxyada baabuurta ay yihiin kuwa inta badan sababa khasaaraha ugu badan, taasi oo hadda u muuqata in ugu yaraan gudaha magaalada laga xakameeyey.

Si kastaba, dhimashada boqol qof ku dhow, ma ahan wax guul laga sheegan karo, waana in dowladdu ballaarisaa xeendaabka ay amnigiisa sugto, si looga wada adkaado Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here