Qarixii Ex-Koontarool: Maydadkii la garan waayay oo laga qaaday dhiigga Hido-sidaha

qarax exkontorool afgooye2

Ku dhawaad afar maalmood ka dib markii uu dhacay qaraxii lagu baaba’ay ee ka dhacay isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho, weli waxaa jiro dad la la’yahay nolol iyo geeri toona.

Dad badan oo ehelkooga raadinaya ayaa buux dhaafiyay cusbitaallada Muqdisho ee la geeyay meydadka iyo dhaawacyada. Cusbitaalladaas waxaa ka mid ah Madiina oo la geeyay meydadkii ugu tirada badnaa.

DIGNIIN: Waxaa suuragal ah in warbixintan aad ku aragto waxyaabo aad dhibsato.

Dr. Maxamed Yuusuf oo ah agaasimaha cusbitaal Madina ayaa BBC-da u sheegay in 82 qof oo meyd ah iyo kontameeyo dhaawac ah la keenay cusbitaalkaas.

“Dorraad, qaraxa markii uu dhacay, waxaa halkan la keenay dhaawac badan oo ilaa 52 gaarayay iyo meydad. Meydka, mar waxaa la keenay 73 ka bacdi waxaa la keenay shan kale, ka bacdi waxaa la keenay afar kale. Isbitaalka inta la keenay waxay isku tageysaa guud ahaan 82”, ayuu yiri Dr Maxamed Yuusuf.

Wuxuu sheegay in meydadka loo keenay qaarkood ay adkeyd in la aqoonsado maadaama wajiyadoodu uu isbadal weyn ku dhacay oo ay burbureen ama gubteen, sida uu sheegay Dakhtarka.

“Meydadkaas qaar way burbursanaayeen oo wajigooda iyo korkooga oo dhan wuu burbursan yahay. Qaar waxaa jiray dabka meel kastaa uu ka galay oo haddii aad fiirisid wajiga qofka aadan aqoonsan karin. Sanka oo go’ay, faruuryihii oo go’ay, ilkihii oo bannaanka yaalla, meydad kala nooc ah, inkastoo badankooda aan la aqoonsan kari, haddana waxaa ku jirtay 11 uu isbadelay wajigooda oo aan la garan karin.”

Dadbadan ayaa isugu tagay cisbitaallada Muqdisho oo raadinayay ehelladooda
Dadbadan ayaa isugu tagay cisbitaallada Muqdisho oo raadinayay ehelladooda

Sidoo kale, Dr Maxamed Yuusuf, agaasimaha cusbitalka Madiina wuxuu sheegay in weli ay hayaan meydad aan la soo raadsan oo eheladoodii aysan u imaan, sidaa awgeedna ay ku khasbanaadeen in ay dheecaan ka qaadaan oo ay keydiyaan dhiiggooda hidesidaha.

“Guud ahaan dadka meesha looga tagay, qaar la aqoonsan karay iyo kuwo aan la aqoonsan karin oo ay dhacday in qaraabo aysan soo weydiisanin, dad soo doonayana aysan jirin, iyagoo meyd ahna ay meesha yaalleen, ayaan markii dambe go’aansanay in aan dheecaan ka qaadno oo aan keydinno si baaritaan loogu sameeyo hiddesidahooda, oo hadhow haddii ay dhacdo in qof uu yirahdo dad baa iga dhumay aan isu barbar dhigno”, ayuu yir Dr Maxamed.

Inkastoo sida uu sheegay dad badan ay cisbitalka yimaadeen oo ay aqoonsadeen meydadka eheladooda, haddana waxa uu walaac ka muujiyay xaaladda meydadka wali cusbitalka yaal. Waxa uu sheegay in cisbitaal ahaan aysan awoodin in meydadkaasi ay sii hayaan muddo dheer, maadaama aysan haysan qaboojiyeyaal keydin karaya meydadkaas wax ka badan laba maalmood, sida uu sheegay.

Ardeyda ka badbaaday qarixii Ex-Koontarool

“Meydkana annaga laba maalmood ka badan ma hayn karno, sababtoo ah tallaajad nooma taallo isbitaalka. Marka labada maalmood ayaa xitaa dhib ah,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray: “Dadku waa ay wada yimaadaan oo isbitaalka ayay ka billaabaan iyagoo meydkooda raadinaayo. Badidoodana way helaan haddiiba isbitaalka la keeno. Waxaa jiro dad ku googo’a oo ku baaba’o goobta uu qaraxa ka dhaca oo inta maro lagu soo uruuriyo cad-cadkooga oo dadka ay meelo iska dhigaan. Kuwaasi ma ogin laakiin kuwa iyaga oo isqaba la keeno dadkooga waa ay aqoonsadaan sid aay u badan yihiin.”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in qiyaastii 80 qof ay ku dhinteen qaraxaasi oo dhacay sabtidii la soo dhaafay. Ururka Al-Shaabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi, waxaana afhayeen u hadlay uu sheegay in bartilmaameedkoogu uu ahaa kolonyo baabuur ah oo ay wateen dad u dhashay dalka Turkiga oo uu ku sheegay in ay xulafo la yihiin dowladda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa Ex-Koontarool ayaa loo qaaday Turkiga
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa Ex-Koontarool ayaa loo qaaday Turkiga

Waxa uu sheegay in kooxdiisa ay ka xun tahay dhibaatada soo gaartay dadka Soomaalida ah.

Al-Shabaab ayaa in kabadan toban sano kacdoon ka wadday gudaha Soomaaliya, waxaana dadka falanqeeya arrimahan ay sheegayaan in Al-Shabaab ay dooneyso in ay qiil u raadiso weerarrada ay Soomaaliya ka geystaan si ay u helaan taageerada shacabka.

Mar sii horreysay oo shalay ah ayaa saraakiisha soomaaliya waxay qaraxaasi ku eedeeyeen in uu gacan ka geystay waddan aysan carrabaabin balse ma aysan soo bandhigin caddeymo muujinaya arrintaasi.

Sida ay sheegtay hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA, madaxda Soomaaliya waxaa loo gudbiyay warbixin “hordhac ahayd oo la xiriirtay qarixii Ex-Koontarool”.

Qaraxa wuxuu Sabtidii ka dhacay isgoyska mashquulka badan ee isku xira Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada Koonfurta Soomaaliya, waa midkii labaad ee dhimashada ugu badan sababay ee dhacay seddaxdii sano ee la soo dhaafay gudahood.

Gawaarida gurmadka degdegga ah

Barta Twitter-ka ee NISa waxay qortay: “Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye”.

“Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis.” ayey ku sii dartay, in kastoo aysan magacaabin dalka lagu eedeynayo qaraxaas.Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @HSNQ_NISA

NISA@HSNQ_NISA

Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye. Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis.

View image on Twitter

1,1561:02 PM – Dec 30, 2019Twitter Ads info and privacy817 people are talking about this

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @HSNQ_NISA

Ilaa shalay galab waxaa Muqdisho ka socda gurmadka loo fidinayo dadka ay waxyeellada ka soo gaartay qaraxaas.

Guddiga Gurmadka ee loo aasaasay weerarkii Ex-Koontarool ayaa sheegay in la helay 12 ka mid ah 24-ka qof ee la la’aa.

Dhanka kale, milatariga Mareykanka ayaa sheegaya in afar ka mid ah mintidiinta Al-Shabaab ay ku dileen duqeymo ka dhacay gudaha Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymahaasi oo lala kaashanayay dowladda Soomaaliya lala eegtay laba bartilmaameed oo ku yaal gudaha Soomaaliya.

AFRICOM waxay sheegtay in ilaa afar ka tirsan mintididinta Al-Shabaab lagu dilay duqeymahaasi oo ka dhacay deegaannada Kuunya-barrow iyo Caliyoow Barrow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

“Duqeymahaasi muhiimka ahi ayaa lala eegtay mintidiinta Al-Shabaab ee mas’uulka ka ah falalka argagixisnimo ee ka dhanka ah shacabka aan waxba galabtsan ee Soomaaliya…,” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

Daawo: Goobta uu qaraxa ka dhacay ee Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here