Qatar oo war kasoo saartay wada-hadalladii u socday ayaga iyo SAUDI ARABIA

WAD Qadar M bin Abdulrahman al Thani

Wada-hadallo la doonayey in lagu soo geba-gebeeyo xayiraadii ay Qatar saareen dalalka deriska la ah, ayaa fashilmay bishii Janaayo, waxaa sidaas Sabtidi shaaca ka qaaday wasiirka arrimaha dibedda Qatar.

Dhowr dal oo Carbeed ayaa xiriirka siyaasadeed, kan ganacsi iyo midka socdaalba u jaray Qatar bartimihii 2017, ayaga oo ku eedeynaya inay taageerto argagixisada.

Wada-hadallada ayaa billowday October 2019, ayada oo ujeedka uu yahay in lagu soo geba-gabeeyo is-marin waaga.

Si kastaba, isaga oo ka hadlayey Shirka Ammaanka Munich, ayaa wasiir Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani waxa uu sheegay in wada-hadallada aysan guuleysan.

“Saddex sano ayaa hadda laga joogaa. Ma ahayn kuwa dhibka billaabay, haddana waxaan diyaar u nahay in dhibaatadan la xaliyo,” ayuu yiri.

“Nasiib darro dadaalladii socday ma guuleysan, waxaana wada-hadallada la joojiyey bishii Janaayo, Qatar-na mas’uul kama ahan taas.”

Wasiirka ma bixin sharaxaad dheeri ah oo ku saabsan hakinta wada-hadallada, inkasta oo bilihii dhowaa ay muuqanayeen astaamo muujinaya inay dib u heshiin karaan Saudi Arabia iyo Qatar.

Bishii December, ra’iisul wasaarihii xilligaas ee Qatar Sheikh Abdullah bin Nasser Al Thani ayaa ka qeyb-galay shirkii Golaha Iskaashiga Khaliijka ee Riyadh, isaga oo noqday mas’uulkii ugu xilka sarreeyey ee ka socda Qatar ee ka qeyb-gala shirkaas, tan iyo 2017.

Wixii markaa ka dambeeyey waxaa jiray isu soo dhowaansho labada dhinac ah, hase yeeshee sida muuqata ma miro dhalin dadaalladii socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here