QODOBO LAGA TUURAY WAR-MURTIYEEDKII GAROOWE IYO MADAXWEYNE DENI OO MUQDISHO KU WAJAHAN

deni dhoof

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Khamiis ah shaaciyay, in uu markii u horraysay socdaal ku tegi doono magaalada Muqdisho iyo caasimadaha dowlad goboleedyada kale ee dalka.

Madaxweyne Deni, ayaa magaalada Muqdisho kula soo kulmi doona madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, halka uu caasimadaha dowlad goboleedyada dalka kulamo kala duwan kula soo qaadan doono madaxweynayaasha maamul goboleedyada.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland oo hadlay kadib Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee maanta, ayaa shaaciyay in mudda laba todobaad ah la fasaxay dhammaan goobaha Waxbarashada degaannada Puntland, islamarkaana la joojiyay kulamada iyo isu’imaatinka dadweynaha, si looga hortago cudurka Coronavirus.

Hadalka madaxweyne Deni, ayaa waafaqaya go’aankii ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee mudda laba todobaad ah lagu fasaxay goobaha Waxbarashada dalka, laguna joojiyay isu’imaatinada dadweynaha, si looga hortago Coronavirus.

Dhinaca kale, ilo’ wareedyo ku sugan madaxtooyada Puntland, ayaa xaqiijiyay in xalay uu kulan dhexmaray madaxweynaha Puntland iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka oo uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad.

Kulanka labada dhinac, ayaa lagu go’aamiyay in wax ka beddel lagu sameeyo war-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii wada-tashiga Garoowe, kaasi oo haatan dib loo saxay laba qodob oo ay ka biya-diideen wasiirada heer Federaal.

War-murtiyeedka ayaa laga saaray qodob sheegayay, in Puntland ay qaadan karto go’aan kasta oo la gudboonaada, haddii ay dowladda Soomaaliya aysan tix-gelin go’aannada Puntland ka soo saartay khilaafka labada dhinac.

Sidoo kale, waxaa dib u sixid lagu sameeyay qodobka sheegaya in Puntland ay shirka ku casuntay Saamileeyda Siyaasadda Soomaaliya, taasina waxaa lagu beddelay in Puntland ay shirka ku casuntay dowadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Isfahamkaasi kadib, ayaa la sheegay in wasiirada heer Federaal ay madaxweyne Deni ku qanciyeen, in uu booqasho ku tego magaalada Muqdisho iyo caasimadaha dowlad goboleedyada dalka, kadibna shir weyna wada-tashiya la isu’gu yimaado magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here