Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ka hadlay xafladda xiritaanka Shirka Dhuusamareeb 3 ayaa sheegay inuu waqti badan ku bixiyey sidii madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland u keeni lahaa shirka.
Mudane Qoor Qoor ayaa tilmaamay in Dhuusamareeb lagu ballansanaa 15 Bishaan Agoosto balse ay imaaan waayeen qaar ka tirsan madaxda Maamul Goboleedyada iyagana ay geed dheer iyo mid gaaban u fuuleen sidii loo keeni lahaa balse aysan taas dhicin.
“Waxaa ogtihiin inay aheyd madal iyo balan 15 agosto in halkan in la isugu yimaado’ iyadoo looga tashanayo hanaan doorasho dalka ku galo, waa la yimid, walaalo naga maqnaa ayaa jiray runtii waa la hadalnay waa doonay dadaal ayaa u galnay inay soo xaadiraan, geed dheer iyo geed gaaban u galnay, laakiin ma noqon sidaas. Waxaa ogtihiin maalinta 7aad halkan ka socdo shirka oo ah waqti waafi oo ku filan walaalaha ugu yeernay taladii loo baahnaa in lagu gaaro” ayuu yiri Qoor Qoor.
Dhinaca kala Madaxweyne Qoor Qoor ayaa shaaciyey in dalka aaday doorasho, wuxuuna sheegay in doorashadaas aan loogu daneeneyn shakhsiyaad gaar ah balse ay tahay mid ay ku wada guuleysan karaan mucaaradka, Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe.
“Dalku doorasho ayuu aaday ma ahan Doorasho dano ku leedahay Dowladda Federaalka ma ahan Doorasho Dowlad Goboleedyada leeyihiin, ma ahan doorasho cid u xaglineysa waa Doorasho aan ugu magac darnay Wada Guuleysta, Waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo oo taladooda sugeynaa oo aan ka maarmin walaalaha naga maqan”.
Madaxdii tagtay Dhusamareeb waxay sheegeen in markii ay si qotodheer ay uga wadatashadeen qaababka doorasho ee ay soo jeediyeen guddigaas ay isla qaateen in qaabka doorashada 2020/21 noqoto mid deegaan doorasho ah.