Qoor Qoor oo si rasmi ah isu-diiwaangeliyey doorashada Madaxtinimadda Galmudug

qoorqoor diiwaangelin

Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta si rasmi ah isugu diiwaangeliyey inuu ka qeyb galo doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug, isaga oo warqadihiisa u dhiibay guddiga doorashada.

Qoor Qoor ayaa ah musharaxii saddexaad ee doorashada isu diiwaan geliya, ayada oo shalay ay is-diiwaangeliyeen laba musharax oo kale, kuwaas oo kala ah Axmed Shire Falagle iyo Axmed Cabdullaahi Samatar oo xalay la diiwaangeliyay.

Doorashadda ayaa la filayaa inay waqtigeedii ku dhacdo, inkasta oo ay ka biyo diideen musharaxiintii mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here