R/W Kheyre oo Baydhabo u tegay iyo soo dhaweyn heer sare ah oo loo sameeyey

kheyre soodoweyn baydabo8

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Guduud kusoo dhaweeyay Madaxweyaha iyo gudddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo kumannaan dadweyne ah oo soo dhaweyntiisa isugu soo baxay kula hadlay garoonka kubbadda Cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo, ayaa bulshada reer Koonfur Galbeed uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaran ee wafdigiisa ay u sameeyeen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicsiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay booqashada uu ku tagay deegaannada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo madaxweynaha Koonfur Galbeed ku ammaanay horumarinta deegaanka iyo sida uu u wanaajiyay xariirka dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed, ayaa sheegay inta uu joogo in uu kala hadli doono horumarinta caafimadka, waxbarashada, adkeynta amniga, xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Raiisul wasaaraha Soomaaliya ayaa muddooyinkan wuxuu ku sugnaa deegaanada Galmudug, halkaasi oo uu ka waday dadaalo dib u heshiisiineed,wuxaana uu halkaas kasoo furay Shirka dib u Heshiisiinta galmudug kaas oo ay ka qeybgalayaan ergooyin  badan oo reer galmudug ah, Sidoo kale wuxuu booqday magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here