R/W Kheyre oo caawa go’aamo hor leh kasoo saaray Coronavirus baaqna u diray shacabka

kheyre 2020

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa mar kale ka hadlay xaaladihii u dambeeyey cudurka Coronavirus oo ay u dhinteen dad badan oo Soomaaliyeed, isagoo sii adkeeyey amarradii looga hor tegayey cudurkaas ee horay uga soo baxay dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehellada dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee u geeriyooday xanuunada cudurka Coronavirus oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo Arbacadii maanta ku geeriyooday UK.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale sheegay in awoodda dowladnimo ay iskugu geyn doonaan ka hor tagga cudurkan sida fudud ugu faafay dunida oo dhan, waxuuna dadka Soomaaliyeed ka dalbaday inay u hogaansamaan talooyinka caafiimaadka ee loo soo jeedinayo.

Kheyre ayaa sheegay in illaa amar dambey ay sii xirnaa doonaan goobaha waxbarashada dalka iyo duullimaadyada diyaaradaha gudaha iyo dibadaba, waxuu kaloo sheegay inay lagama maarmaan tahay in la joojiyo isku imaatinka, isagoo ku taliyey in qofkii awooda uusan kasoo bixin gurigiisa.

Sidoo kale isgaarsiinta dalka ayuu ka dalbaday in waqtigooda ugu badan ay geliyaan waxyi gelinta dadweynaha, si looga hor tago khataraha cudurkan, halka ganacsatada Soomaaliyeed-na uu ugu baaqay in aysan kordhin sicirka raashinka iyo waxyaabaha kale ee qutul duruuriga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wasaaradda maaliyadda faray in ganacsatada laga khafiifiyo canshuurta cuntada daruuriga ah iyo daawooyinka inta dhibaatada cudurkan ay jirto.

Ugu dameyntii Ganacsatada iyo dheeq bixiyaasha caalamka ayuu sheegay in xukuumadiisu ay kula jirto wadaxaajood, si loo kabo saameynta dhaqaale ee xayiraadaha cudurkani ay ku yeeshaan dalka.

Halkan ka Daawo

https://youtu.be/afaNa8J7qBQ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here