R/W Kheyre oo la kulmay madaxweynaha Faransiiska

Emmanuel Macron iyo Kheyre

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan Faransiiska ayaa kulan soo dhoweyn ah la qaatay Madaxweynaha dalkaasi, Emmanuel Macron.

Kulankan ayaa labada mas’uul waxa ay uga hadleen arrimo ay ka mid tahay xiriirka labada dowladood iyo taageerada uu Faransiiska siiyo Soomaaliya.

Madaxweyne Macron ayaa dowladda federalka ku booriyey horumarka kala duwan ee ay ka sameysay dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Xaan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyey dowladda Faransiiska soo dhoweeynta ballaaran ee loo sameeyey, isagoona ku bogaadiyey, sida ay mar walba u garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Khayre ayaa ka qeyb galaya shirka nabadda Paris oo looga hadlayo xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka.

Faransiiska ayaa ka mid ah dalalka taageero dowladda federaalka, wuxuuna ka caawiyaa dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, isagoona duqeymo ka dhan ah kooxdaasi ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here