R/Wasaare Kheyre iyo Wefdi uu hoggaaminayo oo safar deg deg ah ku aaday Itoobiya

kheyre dhoof2

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay dhanka magaalada Addis Ababa ee caasimadda wadanka Itoobiya.

Khayre iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku sii sagootiyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaliya.

Lama shaacin u jeedka safarka deg-dega ah ee uu ra’iisul wasaaruhu ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Warar hoose oo ayaa sheegaya in safarka Khayre uu la xariiro kulamo uu la qaadan doono madaxda sare ee dalkaasi, iyaga oo ka wada hadli doono xiriirka labada dowladood, arrimo ku aadan cudurka Corona iyo xaaladda gobolka.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ayaa kulamo la qaadan doono qaar ka mid ah xubnaha safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Safarka Kheyre oo aan horay loo sii shaacin ayaa ku soo aadaya, iyadoo qorshuhu yahay in caawa 12:00 saqda dhexe la joojiyo duulimaadyada caalamiga ah ee garoonka diyaaraha magaalada Muqdisho, sababo la xariira cudurka Corona oo fara ba’an ku haya caalamka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here