Ra’iisul Wasaaraha Canada oo lagu qabtay isagoo Trump xamanaya

rw canada justin trudeau

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Ra’iisul Wasaaraha Canada ku tilmaamay “qof labo-wajiile ah”, ka dib markii la shaaciyay muuqaal laga arkayay Justin Trudeau iyo hoggaamiyeyaal kale oo ku maadeysanaya Mr Trump.

Muuqaalka ayaa si toos ah looga arki karaa Mr Trudeau, Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ka sheekeysanaya shirkii jaraa’id ee uu madaxweyne Trump qabtay ka hor furitaanka kulanka la isugu tagay munaasabadda 70 guuradii kasoo wareegtay aasaaskii isbahaysiga Nato.

Waxay arrintaas dadka qaarkiis ku tilmaameen “xan”.

Hoggaamiyeyaasha dalalka ku bahoobay gaashaanbuurta Nato ayaa soo saaray bayaan ay ku muujinayaan midnimo, xilli kulankooda ka dhacay meel u dhow magaalada London uu hareeyay muran xoog leh.

Mr Trump ayaa baajiyay shir jaraa’id oo lagu waday inuu qabto kulanka ka dib.

Wuxuu warfidiyeenka ku yiri: “Si toos ah ayaan dib ugu laabanaynaa. Waxay ila tahay inaan horay u sameynay shirar jaraa’id oo aad u badan”.

Mr Trump iyo Mr Macron ayaa sidoo kale Talaadadii isweydaarsaday hadallo qallafsan oo ku saabsanaa mowduucyo badan.

Maxaa ku jiray muuqaalka?

.
Hoggaamiyeyaasha ayaa la aaminsan yahay inay ku maadeysanayeen Mr Trump

Muuqaalkan gaaban oo lasoo galiyay barta Twitter-ka ee warbaahinta Canada ee loo yaqaanno CBS ayaa muujinayay Mr Trudeau oo la sheekeysanaya koox hoggaamiyeyaal ah, oo ay ka mid ahaayeen Mr Johnson, Mr Macron, Ra’iisul Wasaaraha Netherlands Mark Rutte iyo gabadha ay dhashay boqoradda Ingiriiska Princess Anne, iyagoo markaas ku sugnaa Qasriga Buckingham.

Qeybta hore ee muuqaalka, Mr Johnson oo su’aal weydiinaya Mr Macron ayaa yiri: “Ma taasaa sababta aad usoo daahday?”

Mr Trudeau ayaa markaas ka dib hadalkooda dhex galay oo yiri: “Wuu soo daahay sababtoo ah wuxuu qaadanayaa 40 daqiiqo marka uu shir jaraa’id ku qabto kor”.

Mr Macron ayaa markaas ka dib u muuqday inuu hadlay, laakiin hadalkiisa waxaan lala maqli karin dhawaaqa agagaarkiisa ah.

Laakiin Mr Trudeau oo u ekaa inuu hadalkaas la dhacay ayaa yiri: “Haa wuu ku dhawaaqay”… [waxa kusii xiga lama maqlin], haddana wuxuu sii yiri. Waxaad daawatay kooxdiisa oo ay gowsaha dhulka uga soo dhaceen”.

Ma jirin mid ka mid ah oo dareensanaa in muuqaal laga duubayay.

Mr Trump oo arrintaas ka jawaabayay ayaa yiri: “Waa qof labo-wajiile ah… waxaan ogahay inuu nin fiican yahay, laakiin runtu waxay tahay inuusan 2% ka mid ah dhaqaalaha waddankiisa soo gala ku bixinin howlaha difaaca, anigana waxay ila tahay inuusan ku faraxsaneyn taas.

Mar Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska wax laga weydiiyay muuqaalkaas wuxuu yiri: “Waa wax aan micno dhan lahayn, anigu ma garanayo meel laga keenay”.

Mr Trudeau ayaa isagana goor dambe warfidiyeenka u sheegay inuusan ku qosleynin shirka jaraa’id ee Mr Trump, balse uu ku qoslayay meesha uu ka dhacayo shirka xiga ee Nato, oo ah Camp David, halkaasoo ah goobta ay dib u gurashada iyo is abaabulka kusoo sameeyaan madaxweyneyaasha Mareykanka.

“Xiriir aad u fiican ayaan la leeyahay Trump”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here