Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Xariga ka jaray Garoonka Diyaaradaha Baraawe

rw Kheyre

Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baraawe ee Xarunta Dowlad Goboleedka KGS.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa soo dhaweeyay Madax katirsan Dowlad Goboleedka KGS, Wasiiro katirsan Xukuumadda, Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose, Mas’uuliyiinta Degmada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Diyaaradda ka qaaday Muqdisho Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa caga dhigatay Garoonka diyaaradaha Baraawe oo dib u dhis lagu sameeyay qaybta diyaaradaha ay ka kacaan kuna soo degaan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xariga ka jaray dhismaha Garoonka diyaaradaha lagu sameeyay, si uu u howlihiisa caadiga u bilaabo wixii maanta ka dambeeyo sida Warbaahinta ay u sheegeen Mas’uuliyiin katirsan KGS.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa uu kulamo la leeyahay Madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, waxaana uu dhagax dhigayaa xarumo mashaariic kala duwan laga hirgelinayo oo ku yaalla Magaalada Baraawe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here