Ra’iisul Wasaareyaasha Australia iyo New Zealand oo isku dhacay iyagoo saxaafadda hor taagan

pm jacinda adern iyo pm scott morrison

Haweeneyda Ra’iisul Wasaaraha ka ah dalka New Zealand iyo dhiggeda waddanka Australia Scott Morrison ayaa hadallo kulul isweydaarsaday kaddib markii ay isku dhaceen iyagoo si wada jir ah shir-jaraa’id u qabanayay. Mowduuca doodda dhaliyay ayaa ku saabsan sharci ay dowladda Australia ku musaafuriso dadka fal dambiyeedyada sameeya.

Inta badan dadkaas ayaa ah kuwo asal ahaan kasoo jeeda waddanka dariska la ah Australia ee New Zealand, kuwaasoo sharciyo dagganaansho ah muddo dheer ku joogay halkaas.

Tallaabadan ayaa ah mid ay ku qanci weysay xukuumadda Wellington.

Jacinda Adern, oo u muuqatay inay si weyn uga careysneyd nidaamkaas ayaa musaafurinta ay Australia sameyso ku qeexday “burburin”.

“Si buuxda ayaan u caddeeyay in arrintan ay tahay mid burburineysa xiriirkeenna, waxa aan maanta warbaahinta horteeda ka sheegayana waxaa horay si gaar ah ugu sheegay Ra’iisul Wasaare Morrison. Dooddeenu ma aha inaan kasoo horjeedsanno in Australia ay sameysato sharciyo musaafurin ah, wey lahaan karaan, annaguba waan leenahay, balse waxa aan codsaneyno waa in dib u habeyn lagu sameeyo”, ayey tiri.

Arrintan ayaa timid kaddib markii ay Australia bilihii ugu dambeeyay dar-dar galisay musaafurinta dadka aan ku dhalanin gudaha waddankaas ee dambiileyaasha ah.

Tan iyo markii howshan la billaabay, boqollaal qof oo horay muddo dheer ugu noolaa Australia ayaa loo musaafuriyay dhinaca waddanka New Zeland.

Laakiin dowladda New Zealand ayaa sheegtay in dadka loo soo celiyay qaarkood ay yihiin kuwo iyagoo aad u yar yar ka tagay dalkooda oo aan wax xiriir iyo ehel ah ku lahayn.

Ra’iisul Wasaare Morrison ayaase difaacay sharciga musaafurinta ee uu adeegsaday dalkiisa, wuxuuna sheegay in qof kasta oo dambi geysta loo celin doono dalka uu asal ahaan uga yimid.

“Marba haddii aadan ahayn muwaadin u dhashay Australia, mowqifka aan kaa qabno wuu cad yahay, dowladdeennana waxaa lagu yaqaannaa sida ay go’aannadeeda u cad cad yihiin, marka ay xaaladdu ku saabsan tahay arrimaha soo galootiga iyo amniga. Haddii aad dambi sameysid, oo aadan u dhalanin Australia, markaas xaq uma lihid inaad joogtid”, ayuu yiri.

Labada Mas’uul ayaa isku celceliyay hadalka, halka uu hoggaamiyaha Australia ku adkeystay inuu sii wadi doono talaabada ka careysiisay Ms Adern.

New Zeland iyo Australia ayaa ah labo dal oo daris ah, muwaadiniintooduna ay si joogto ah isugu kala gooshaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here