Ra’iisul wasaarihii dalka Qatar oo is casilay iyo mid kale oo la magacaabay

Sh Abdullah Bin Nasser Bin Khalifa AlThani

Sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Qatar News Agency waxaa is casilay ra’iisul wasaarihii dalkaasi, Sheikh Abdullah Bin Nasser Bin Khalifa Al Thani oo is casilaadiisa u gudbiyey Amiir Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani.

Sheikh Abdullah Bin Nasser Bin Khalifa Al Thani ayaa ka mid ah xubnaha qoyska xukuma dalka yar ee Qatar.

Sidoo kale Amiirka dalkaasi ayaa aqbalay is casilaadiisa, wuxuuna ra’iisul wasaare cusub u magacaabay Sheikh Khalid Bin Khalifa Bin Abdulaziz Al Thani.

Sababta uu xil ka uga tegay ra’iisul wasaarihii hore, Sheikh Abdullah Bin Nasser lama shaacin, kaas oo ah 61 jir ah, waxaana xil kaaasi loo magacaabay 26 June ee 2013-kii.

Sidoo kale wuxuu sanadihii 2005 illaa 2013-kii ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Qatar.

Xilal ka sare ee Qatar waxaa qabta qoyska boqortooyada oo dhaxal u leh, iyadoona uu wareegto ku soo magacaabo Amiirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here