Rasaas caawa la isku weydaarsaday Dhuusamareeb iyo Wararkii ugu dambeeyey

war deg deg

Sida ay sheegayaan warar ka imanayaa Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb waxaa caawa magaalada ka dhacay ishor imaad u dhaxeeya iidamada Dawladda iyo kooxda Ahlusunna.

Dagaalka ayaa ka socda baanaanka hore ee xarunta Inji oo ay deganyihiin hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in iska horimaadka uu bilowday markii gaari ay wateen ciidamada ahlu suna oo ka soo baxay xarunta Inji uu jiiray Kontrol ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada ee taabacsan Galmudug kaasoo ku yaalla agagaarka Madaxtooyada.

Goob joogayaal ayaa sheegaya Xaalada magaalada Dhuusamareeb ay kacsan tahay, uuna gabaabsi noqday dhaqdhaqaaii ka jiray magaalada waxaana xirmay inta badan ganacsiga iyadoo socodka gaadiidka iyo dadweynaha uu yaraaday.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in xiligan oo saacadu ku sii dhow dahay saq dhexe ee habeenimo xaalada magaalada ay yara degan tahay, inkastoo mararka qaarkood la maqlayo rasaas goos goos ah, welina lama hayo tafaasiil ku saabsan khasaaraha ka dhashay iska horimaadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here