Russia oo saldhig ciidan ka sameysaneysa Soomaaliya

vladimir putin

Dowladda Russia ayaa dooneysa in ay magaalada Berbera ee waqooyiga Soomaaliya noqoto xarunta saldhig ciidan oo ay qorsheyneyso inay ka sameysato Geeska Afrika, waxaa sidaas laga soo xigtay saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka.

Xeebta Berbera ayaa aad ugu dhow xeebta Jabuuti, halkaasi oo sidoo kale saldhigyo ciidan ay ku leeyihiin Mareykanka iyo Shiinaha, waana taas sababta la rumeysan yahay in Russia ay u dooratay.

Russia ayaa sidoo kale muujisay inay daneyneyso inay xarun qaabilsan adeegga ciidamada cirka ka sameysato dalka Eritrea, hase yeeshee weli ma cadda halka ay marayaan wada-hadalladaas, sida uu qoray wargeyska New York Times.

Somaliland oo maamusha Berbera ma ahan dal madax banaan, waxayna ka tirsan tahay Soomaaliya, mana cadda sida Russia ay saldhiggaas u sameyn doonto, ayada oo aan soo marin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Horey waxaa Berbera saldhig ciidan inay ka sameystaan isugu dayey Imaaraadka Carabta, taasi oo dowladda Soomaaliya ay ka hor-timid.

Waxaan sidoo kale caddeyn, sida dowladda Somaliland ay ula sii macaamili karto dalalka Reer Galbeedka, gaar ahaan Mareykanka, haddii ay dhacdo inay saldhig siiso Russia, taasi oo Mareykanka uu aad u diidan yahay.

Russia ayaa saameyn xooggan ku lahayd Africa intii uu socday xifaaltanka dalalka Bari iyo kuwa Galbeed ee dagaalkii qabow, hase yeeshee Russia ayaa isaga tagtay Africa wixii ka dambeeyey markii looga adkaaday dagaalkii qaboobaa ee 1991-kii markaasi oo uu burburay Midowga Soviet.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here