RW Soomaaliya oo ciidamada ugu hambalyeeyey xoreynta deegaanka Janaale

kheyre iyo taliyeyaasha3

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hambalyo ku aadan xoreynta deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose u diray taliska ciidanka xoogga dalka.

“Waxaan bogaadinayaa guusha ciidamadeenna geesiyaasha ah ka soo hooyeen howl-galka Argagaxisada looga dul qaadayay shacabka ku dhaqan Janaale iyo deegaannada ku xeeran. Waad ku mahadsantihiin gudashada waajibaadka idinka saaran ilaalinta dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in guushaasi ay ka dhalatay dib u habeyn lagu sameeyey qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda, taas oo sida uu sheegay horseeday in lagu dhiirado xoreynta deegaano ay mudo dheer maamulayeen Al-Shabaab.

“Dib u habeyntii aan ku sameynay ciidanka, waxay sare u qaadday tayadooda iyo niyaddooda, waxayna soo celisay haybadda qarankeena, taas oo suurtagelisay in cadowga laga sifeeyo dhul ay sanado badan ku sugnaayeen, taas oo qeyb ka ah qorshaha Badbaado ee Al-shabaab dalka looga saarayo” ayuu Kheyre hadalkiisa sii raaciyey.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa yiri “Si loo hubiyo soo celinta nolosha deegaannada la xoreynayo, howlgalkani waxuu isugu jiraa, ciidanka xoogga oo wiiqaya argagixisada, booliska oo xoreynta kadib la wareegaya amniga, dhismaha maamullada deegaannada iyo hey’adaha kale ee dowladda oo adeegyada aas-aasiga ah gaarsiinaya shacabka”.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa maanta si buuxda gacanta ugu dhigay deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose, oo in ka badan 10 sano ay ka arriminayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ciidamadan huwanta ah ayaa iska caabin kala kulmay Shabaab-kii ku suganaa Jannaale, waxaana jira dad rayid ah oo dhimasho iyo dhaawacyo ay kasoo gaareen madaafiic ay is weydaar sadeen labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here