Saaladda Jimcaha ma laga tukan karaa dalalka uu ka dillaacay Corona?

salaad jimce

Golaha sare ee culimada Sacuudi Carabiya ayaa fatwooday in dadka qaba fayraska Corona ay mamnuuc ka tahay Saaladda Jimcaha iyo inay xaadiraan masaajidda, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Saudi Press Agency.

Culimada oo kulan ka yeeshay xanuunkan saf-marka noqday ee Corona ayaa sheegay inay qasab tahay in Muslimiinta ay u hogaansamaan tallaabooyinka ay fulinayaan dowladaha, si loo xakameeyo faafidda cudurkaasi dilaaga ah.

Waxa ay uga baaqeen dadka looga shakiyay fayraska inay guryahooda joogaan oo ay iskarantiilaan, iyadoo dadka ka cabsi caqaba inuu ku dhacana loo oggol yahay inay guryahoodda joogaan.

“Haddii xaaladaha jira awgeed uu qofka tukan waayo Saaladda Jimcaha, waxaa laga rabaa inuu tukado Duhur-ka caadiga ee afarta rakcadood ah,” ayay sheegeen culimada.

,
Image caption,

Dhanka kale Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Malaysia, Zulkifli Maxamed Al-Bakri, ayaa sheegay in dalkiisa uusan saameyn muuqda ku yeelan fayraska, sidaa awgeedna ay Muslimiinta tukan karaan Saaladda Jimcaha.

Corona ayaa saameeyay dalal badan oo Muslim ah, waxaana ugu daran Iran oo ay boqolaal qof ugu dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here