Saameyntii Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo daaqadda ka baxday

beesha caalamka2

Safiirada QM, Midowga Yurub, Mareykanka iyo UK ayaa ku guuldarreystay tallaabooyin saddex ah oo ay qaadeen oo lagu wiiqayo awoodda Farmaajo, islamarkaana lagu raadinayo xal doorasho oo uusan qeyb ka aheyn, sida ay sheegayaan xogo laga helalayo ilo wargal ah.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii wakiilada beesha caalamka ay ka quusteen in la helo xal looga gudbo is-mari waaga doorashada, hase yeeshee qorshayaashooda ayaa fashilmay.

Qorshayaashaas oo la damacsanaa in lagu wiiqo awooda Madaxweynaha ayaa kala ahaa

1- Saaxiibada Caalamka ayaa isku dayay in hoggaanka doorashada Soomaaliya uu la wareego Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, islamarkaana ay qeyb kala noqdaan maamul gobaleedyada dalka, taas oo ugu dambeyn la sheegay in ay ka socon weysay dhinaca Rooble oo si cad u diiday qorsheyaashii la soo maleegay.

2- Beesha Caalamka waxay isku dayday in ay heshiiyaan maamul gobaleedyada dalka islamarmaana go’aan mid ah ka qaataan arrimaha la isku hayo ee doorashada, waxaana kulamadii dhici lahaa ka baaqday maamulada taabacsan Villa Somalia oo lagu cadaadiyay in aysan ka qeyb gelin. Haddii maamulada heshiin lahaayeen waxaa meel cidlo ah kusoo dhici lahaa madaxtooyada oo u muuqan laheyd caqabadda doorashada.

3- Beesha caalamka waxay isku dayday in khilaafka doorashada Soomaaliya ay kala hadasho Guddoonka Golaha Shacabka oo cabsi weyn laga qabo in uu ku dhaqaaqo muddo korarsi, waxaana la sheegay in arrintaasna ay u socon weyday.

Tallaabooyinka beesha caalamka ayaa keenay in wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ay qoraal u dirto Golaha Ammaanka, kaasi oo looga digay “faro-gelinta” arrimaha doorashada.

Waxaa taasi xigay in xalay uu baarlamanka shaaciyey in maanta uu dhacay kulan looga hadlayo “doorashooyinka qaranka,” lana rumeysan yahay in muddo kordhin lagu sameynayo, waxaana muuqata in saameyntii beesha caalamka ee Soomaaliya ay daaqadda ka baxday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here