Saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Dhexe oo duqeymo lagu burburiyey

AlShabaab drone

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in xalay duqeymo xoogan diyaarado dagaal ay ka fuliyeen gobolkaasi.

Duqeymaha oo ahaa kuwa is xig xigay ayaa waxaa lagu garaacay deegaanka Hargeysa-Yarey, degmada Saakow iyo deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Jilib iyo Bu’ale oo ay ku sugnaayeen dagaayahannada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta koowaad laga fuliyey deegaanka Hargeysa-Yarey, gaar ahaan saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin halkaasi, kaas oo gabi ahaan la burburiyey, sidoo kalena lagu dilay dagaalamayaal ku sugnaa, sida ay innoo sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.

Duqeyn kale oo xigtay ayaa sidoo kale ka dhacday agagaarka degmada Saakow, taas oo la soo warinayo in lagu burburiyey Xero uu hub ugu Keydsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeyn kale oo dhanka cirka ah xalay laga fuliyey inta u dhaxeysa degmooyinka Jilib iyo Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.

Saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay weerarkaasi lagu dilay horjooge sare oo xiriir dhow la lahaa hoggaamiyaha guud ee Al-Shabaab Axmed Abuu Cubeyda.

Sirdoonka Soomaaliya ma shaacin magaca sarkaalka lagu dilay duqeyntaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan weeraradaan cusub ee xalay ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta oo garab ka helaya diyaaradaha Mareykanka ayaa kordhiyey dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here