Saudi Arabia: Saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca oo loo xiray eedeymo culus

saudi flag

Boqortooyada Sucuudiga Carabiya ayaa shaacisay in la bilaabay baaritaanka lacag lagu qiyaasay 325 milyan oo dollar, taas oo ay lunsadeen saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga dalkaas.

Wakaaladda ka hortagga musuq maasuqa ee dalka Sacuusiga ayaa sheegtay in dadka baaritaanka lagu hayo ay ka mid yihiin mas’uuliyiin iyo ganacsato waa weyn.

Sidoo kale dadka lagu hayo baaritaankan musuq maasuqa la xariira waxaa kamid ah xubno ka tirsan wasaaradaha maaliyadda, caafimaadka iyo waxbarashada ee Boqortooyada Sacuudiga.

Wakaaladda wararka ee Sucuudiga ayaa sheegtay in la xaqiijiyey in “dhawr sarkaal iyo shaqaale rayid ah oo ka tirsan wasaaradda gaashaan dhigga lagu helay falal lunsi maaliyadeed ah oo shaki leh iyo sidoo kale in lagu helay laaluush iyo ku takri fal awoodeed oo ay dadkaasi awoodooda u adeegsadeen in ay lunsadaan lacag dhan 229 bilyan oo Riyaal.”

Warbixinta wakaaladdu waxay intaa ku dartay in “48 qof la baaray lana ogaaday in 44 ka mid ah maxkamad la soo taagi doono, sidoo kalana haatan laga shaqaynayo sidii lacagtaa ay lunsadeen loogu soo celin lahaa khasnadda dawladda”.

Waayadan dambe ayaa dhaxal sugaha boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, wuxuu ku faanayey in uu wado olole ballaaran oo ka dhan ah musuq maasuqa, kaas oo ka bilaawday dalkaas, isagoo sheegay inuu taas muhiimadda koowaad siinayo.

Sannadkii 2017-kii ayaa boqolaal qof oo isku jira amiirro, wasiirro iyo ganacsato lagu xiray hoteel ku yaalla magaalada Riyadh, si loogu qasbo in ay lacag malaayiin dollar ah ugu bedeshaan xorriyadooda.

Hoos u dhaca sicirka saliidda, dagaalka Sucuudigu ka wado Yemen iyo duruufo dhaqaale oo kale oo dalkaa ka jira, ayaa khubarada dhaqaaluhu sheegayaan in ay kellifeen in hoos u dhac dhaqaale soo food saaro dalka Sucuudiga.

Xukuumadda ayaa qaaday tallaabooyin dhawr ah oo ay doonayso in ay ku kordhiso dakhliga, iyadoo la seddax laabay cashuurta iibka ee saaran badeecadaha dadku iibsadaan.

Tallaabadaas ayaa qayb ka ah qorshaha tashiilka ee la doonayo in lagu bari-taaro dhaqaalaha dalka oo Coronavirus ku dhaawacmay.

Sidoo kale Xukuumadda Riyaad ayaa sheegtay in ay joojinayso gunnadii maciishadda ee ay siin jirtay shacabka, si loo yareeyo kharashka dowladda.

Dalkan saliidda hodanka ku ah ayaa tan iyo intii sicirka shidaalka ee caalamku dhulka galay Corona awgii, waxaa burburay dhaqaalihiisii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here