Sawiro: Madaxweyne Farmaajo oo khudbad xasaasi ah ka Jeediyey madasha TICAD

farmaajo ticad

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad xasaasi ah ka jeediyey shirka nabadda iyo xasilloonida geeska Afrika ee qeybta ka ah fadhiyada madasha Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD).

Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo kuwa maalgashi ee ka jira guud ahaan Dalalka Geeska Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in lagu Garab istaago Waddamada Geeska Afrika qorsheyaashooda horumarineed, laguna dhiirri geliyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeen oo salka ku haya deris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

“Waxaan si cad u qeexayaa in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn kaalinta uu dalkeennu ku leeyahay Geeska Afrika, arrinkaas oo aan ka sameynay billow fiican, kaddib markii aan hormuud ka noqonnay dedaalladii dib u heshiisiineed iyo kuwa iskaashiga Saddex geesoodka ah ee Dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si gaar ah ugu soo dhaweeyey fadhigan wafdiga dowladda Jabuuti oo ka soo qeyb galay shir-doceedkan ku saabsanaa arrimaha Geeska, isagoona adkeeyey doorka wax-ku oolka ah ee dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ay ku leeyihiin dhaqaajinta hayaanka horumarinta Gobolka.

Fadhigan gaarka ah waxaa si wadajir ah u guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya Mudane Abiye Axmed.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Raiisul Wasaaraha Dalka Japan, Shinzo Abe, Guddoomiyaha Midoowga Afrika, Mussa Faqi, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres, Madaxweyne Kuxigeenka Dalka Koonfurta Suudaan, James Wani Igga, Wasiirrada Arrimaha Dibadda Dalalka, Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka arrimaha dibedda Ereteriya, Cusmaan Saalix, wasiirka arrimaha dibedda Kenya Marwo; Monica Juma, Madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, daneeyeyaasha Gobolka, maalgashadeyaal caalami ah iyo khuburo dhaqaale oo lagu martiqaaday Madasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here