Sawirro: Banaanbaxyo lagu taageerayey Madaxweyne Qoor Qoor oo maanta ruxay Galmudug

gaalkacyo taageero qoorqoor1

Dibadbaxyo xoogan oo lagu taageerayey hoggaanka cusub ee Galmudug ayaa maanta ka dhacay deegaano ka tirsan maamulkaasi.

Banaanbaxyada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa si isku mid ah waxa ay uga dhaceen magaalooyinka Dhuusamareeb, Cadaado, Caabudwaaq iyo Gaalkacyo.

Boqolaal dadweyne ah oo taageersanaa doorashada hoggaanka cusub ee Galmudug ayaa isugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee magaalooyinkaasi.

Sidoo kale dibadbaxayaasha oo watay boorar ay ku xardhan yihiin sawrirka madaxweynaha cusub ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo ku xigeenkiisa ayaa ku qeylinayey erayo ay ku soo dhoweynayaan mas’uuliyiintaasi.

Ammaanka ayaa sidoo kale si aad ah loo adkeeyey, waxaana goobaha ay ka dhaceen dibadbaxyada ku sugnaa ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug.

Doorashada dowlad goboleedka Galmudug oo muddo ku jirtay is jiid jiid siyaasadeed ayaa shalay la soo gabagabeeyey, waxaana Dhuusamareeb lagu doortay hoggaan cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here