Sawirro: Ciidamada dowladda oo xoojiyey howlgallada ka socda gobolka SH/ HOOSE

ciidamada xoogga4

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka ay dhaq dhaqaaqyo cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka bilaabeen deegaano ka mid ah gobolkaasi.

Howlgallada oo ah kuwa qorsheysnaa ayaa waxa ay ciidamadu ka sameeyeen agagaarka deegaanka Ceel-Saliini oo marar badan ay weeraro ku soo qaadeen dagaalyahannada Al-Shabaab.

Taliyaha guutada koowaad ee ciidanka Dhulka Col-Xassan Maxamed Abuukar oo hoggaaminayay howlgalladaasi ayaa sheegay inay ku soo qabteen tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo ku xoogan Sh/ Hoose.

Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay in ujeedka uu ahaa sidii deegaanadaasi looga saari lahaa Al-Shabaab, loona xoojin lahaa amniga Ceel-Saliini iyo tuulooyinka ku xeeran.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacabka inay is dajiyaan, islamarkaana ay la shaqeeyeen ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Gobolka Shabeelaha Hoose oo weli deegaano ay ka heysato kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo u dhexeeya labada dhinac iyo weeraro gaadma ah intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here