Sawirro Ciidanka DANAB oo la wareegay deegaano oo ay ku xoogganayeen Shabaab

ciidamada danab1

Ciidamada Dowladda & kuwa Maamulka Jubbaland ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay  howlgallo kala duwan ka sameeyeen deegaano katirsan gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ay gacanta ku hayeen Ururka Al-Shabaab.

Deegaannada ay Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland ka fuliyeen howlgalka ayaa waxaa kamid ah Kaamjaroon iyo Buulaxaaji,waxaana la sheegay in dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay ay Ciidamada la wareegeen deegaannadaas.

Saraakiil katirsan taliska qeybta 43-aad iyo ururka 5-aad ee Kumaandooska Danab oo howlgalka ka qeyb-qaadanayay ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamadu ay weli deegaannadaas ku sugan yihiin,iyaga oo aan la kulmin iska cabin xoogan.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in howlgalka uu noqon doono mid sii socda ilaa iyo inta deegaannada kale ee Jubbooyinka kaga sugan yihiin laga saaro Ururka Al-Shabaab.

Horay ayaa ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo,isla markaana ay deegaano kula wareegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here