Sawirro: Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Ahlu Sunna kala wareegay GURICEEL

ciidanka xoogga dalka guriceel

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ciidamada Milatariga Soomaaliya, gaar ahaan qeybta 21-aad ee ay la wareegeen gacan ku heynta Guriceel.

Ilo deegaanka ah ayaaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ciidamadu ay gabi ahaan la wareegeen xarumaha muhiimka ah ee degmadaasi oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada ururka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xalay iska hor imaad u dhexeeyey labada dhinac uu ka dhacay halkaasi, kadibna ciidamada Ahlu Sunna ay isaga baxeen xarumihii ay kaga sugnaayeen degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha magaaladaasi, Cabadullaahi Maxamed Barre oo u warramay VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto wixii dhibaato ah ee ka dhasha dhaq dhaqaaqyadaasi.

Barre ayaa sidoo kale tilmaamay in haatan barakac uu ka bilowday Guriceel oo uu sheegay in dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay aheyd mid ka naalooneysay nabad gelyo.

Dhinaca kale wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye uu haatan ku sugan yahay Guriceel, islamarkaana uu kulamo xasaasi ah ka wado halkaasi.

Sabriye oo shalay ciidamo galbinayey isaga iyo kuwa Ahlu Sunna ay ku dagaalameen Matabaan ayaan weli ka hadlin iska hor imaadka ka dhacay degmada Guriceel.

Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal xoogan uu ka qarxo halkaasi, maadaama labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo Milatari ka wadaan halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here