Sawirro Cumar Filish oo la kulmay xildhibaannada beelaha Hawiye ee BF

cumar filish

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa xalay kulan la qaatay qaar ka mid ah xildhibaannada beelaha Hawiye ee baarlamanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii xildhibaannada Hawiye ay ula shaqeyn lahaayeen maamulka gobolka Banaadir, looguna midoobi lahaa in magaalada amnigeeda lasugo iyadoo laga mideysan yahay.

Cumar Filish ayaa xildhibaannada u sheegay in xilka uu ka hayo gobolka uu ayaga ku matalo, balse qof kasta ay muhiim tahay inay talo ka gaysato sidii gobalka Banaadir looga saari lahaa marxaladaha amni xumo ee haysata.

Cumar Filish ayaa isku dayaya inuu wanaajiyo amniga gobolka, si taasi ay u suurta-geliso in la furo waddooyinka xiran ee magaalada, oo shacabka ay aad u dhibsadeen.

Xildhibaannada iyo duqa Muqdisho ayaa isku raacay in ay si joogta ah u kulmaan la iskuna xirnaado, si looga wada shaqeeyo danta dadka gobolka u dhashay.

Xildhibaannada la kulmay Filish ayaa u badnaa kuwa kasoo jeeda beesha Mudullood iyo qaar ka mid ah kuwa beesha Habar-gidir, inkasta oo ay kulanka sidoo kale joogeen xildhibaano kasoo jeeda beelaha kale ee Hawiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here