Sawirro: Guddoonka Guddiga caleemo saarka madaxda Galmudug oo gaaray Dhuusamareeb

yuusuf garaad1

Wafdi kooban oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Yuusuf Garaad Cumar ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Waxaan garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay wasiiro iyo xubno ka tirsan Guddigan oo horey ugu sugnaa halkaas.

Guddiga ayaa dhawaan la kulmi doona madaxda Galmudug si ay ugu dhawaaqaan xilliga munaasabada caleema saarka la qabanayo.

Dhuusamareeb oo ah xarunta Galmudug ayaa dhowaan marti gelineysa madaxda sare ee dowlada federaalka, wakiilada beesha caalamka, madaxda dowlad goboleedyada qaarkood iyo qeybaha bulshada oo ka qeyb geli doona caleemo saarka madaxda cusub ee dhowaan loo doortay Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here