Sawirro: Madaxweyne Qoor Qoor oo kulan la qaatay guddiga doorashooyinka qaranka

qoorqoor iyo gudiga doorashada1

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay kulan soo dhoweyn ah la qaatay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Yarey).

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Cali Daahir Ciid.

Ugu horreyn madaxweyne Qoor Qoor oo madasha ka hadlay ayaa xubnaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan ku amaanay howlaha wacyigalinta bulshada ee ay u tageen deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka heer federaal ee la filayo in la qabto sanadka soo socdo ee 2121-ka.

Xalimo Yarey oo u mahadcelisay hoggaanka Galmudug ayaa sheegtay in maamulkaasi uu ka mid yahay meelaha loo qorsheeyey in lagu qabto doorashada soo socota.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa dadaal badan iyo diyaar garow ugu jiray doorashooyinka Qaranka oo weli la’isku hayo sida loo wajahayo.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here