Sawirro Masuuliyiinta W. H. Caafimaadka JSL oo kormeeray xarunta laanta socdaalka Lowyacado

Masuuliyiintii ka amba-baxay xarunta guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gurmadka u tagay degaanka LAWYACADDO Ayaa iyagoo ka faa’iidaysanaya jaaniska waxay Kormeer iyo qiimayn ku soo sameeyeen xafiiska laanta Socdaalka oo ay heegan kaga jiraan hawl-wadeenada caafimaadka oo goobta u jooga ka hortagga cudurka CORONAVIRUS-KA.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa deddaal adag galisay sidii looga hortagi lahaa cudurka CORONAVIRUS oo dunida iska kaashanayso ka hortagiisa, waxaa goobaha heegan kaga jira hawlwadeeno badan.

Masuuliyiintan caafimaadka ee uu hogaaminayo gudomiyaha xafiiska gurmadka ee wasaaradda horumarinta caafimaadka ayaa socdaal joogta ah ku mari doona dhamaan goobaha dalka laga soo galo. Si looga badbaadiyo bulshada Somaliland wixii jiro ee dibadda uga imanayana (ilaahay baa wax badbaadiyee iyana waxay gudanayaan waajibaadkii qaran ee ay ummadda u hayeen

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=133924038118146&id=103133851197165&sfnsn=mo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here