Sawirro: Qoor-Qoor iyo Xaaf oo markii ugu horreysay kulmay kadib doorashadii Galmudug

qoorqoor iyo xaaf1

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ee garabka dowladda, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta duleedka deegaanka Godinlabe ku soo dhoweeyey Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo weli sheeganay inuu yahay madaxweynaha maamulkaasi.

Soo dhoweynta loo sameeyey Xaaf oo ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo muddooyinkaan ku sugnaa halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in haatan Qoor-Qoor iyo Xaaf kulamo is-xog wareysi ah ay ku leeyihiin deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Xaaf iyo wafdigiisa loo soo galbin doono dhinac magaalada Dhuusamareeb oo wadahadallo lagu dhameynayo khilaafka Galmudug ay labada dhinac ku yeelan doonaan gudaha magaaladaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka ay wadeen dadaallo lagu qancinayo Xaaf, si uu xilka u wareejiyo.

Dhowaan ayaa sidoo kale la filayaa in caleema saarka Qoor-Qoor lagu qabto magaalada Dhuusamareeb, taas oo horay dib loogu dhigay sababo la xariira fayruska Corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here