Sawirro R/W Kheyre oo xalay sagootiyey ciidamo ay DF u dirtay howlgallo culus

kheyre ciidamo hawlgal2

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xerada tababarka ciidamada ee Gen. Goordan booqasho sagootin iyo dardaaran ah ugu tegay ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaariyay howl gallo gaar ah oo argagaxisada la gula dagaalayo.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ciidamada uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay in argagaxisada ay ka xoreeyaan deegaannada loo qorsheeyay in ay ka fuliyaan howl gallada.

Ciidamada uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre sagootiyey ayaa qayb ka noqonaya ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee qabowga iyo cadceedda u taagan ilaalinta dhiigga umadda Soomaaliyeed iyo cirib tirka argagaxisada duullaanka ku ah jiritaanka ummadda iyo qarannimada Soomaaliyeed.

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka, Sarreeye guuto Odawaa Yuusuf Raage, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay booqashada dardaaranka iyo sagootinta ah isugu jirtay ee lagu dhiirri gelinayay ciidamada.

Dawladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxay iska soo daba saarayeen ciidamo tababan oo maalin walba la wareegaya degaamo hor leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here