Sawirro: Turkiga oo qalab iyo gargaar Caafimaad ku wareejiyey DF Soomaaliya

deeq coronavirus turki

Dowladda Turkiga ayaa maanta qalab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta cudurka Coronavirus ku wareejisay dowladda Soomaaliya, kaas oo uu soo amray Madaxweynaha wadankaasi, Reccep Tayyip Erdogan.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa qalabkaan caafimaad keentay Muqdisho, iyadoona ay la wareegtay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa goob joog ahaa wasiirka gargaarka, Xamza Siciid Xamza iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad.

Fowsiyo Abiikar Nuur wasiirka caafimaadka oo hadal kooban jeedisay ayaa sheegtay  in qalabkaan uu kaalin weyn ka qan doono ka hortaggida iyo la-tacaalida covid19.

Dhankiisa safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho, Amb. Maxamed Yilams ayaa xusay in dowladdiisa ay ka go’an tahay garab istaaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ku amaanay dowladda federaalka dadaalka ay kaga hortageyso cudurka faafa ee Coronavirus.

Ugu damneyn wasiirka arrimaha dibada Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada ay mar-weliba siiso Soomaaliya.

Si kastaba ha’ahaatee ma’an gargaarkii ugu horreeyey ee uu Turkiga u soo diro Soomaaliya, isagoona dhowaan agab iyo daawooyin ku wareejiyey dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here