Sawirro Turkiga oo soo saaray Baabuur casri ah oo koronto ku Shaqaynaya

baabuur turkey togg1

Dalka Turkiga ayaa ku guuleestay in ay soo saaraan baabuur casri ah oo ku shaqeenaya koronto, waxaana sameynta baabuurkan oo si qurux badan loo farsameeyay iska kaa shaday 100 injineer.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Tayib Erdogen oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay baabuurkan casriga ah ee Tukigu soo saaray ayaa sheegay in guul u tahay in dalkiisu soo saaray baabuur casri ah oo ku shaqeenaya koronto.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Erdogan in Turkiga u rumoyday riyo muddo 60 sanno ah ay hiigsanayeen iyagoo soo saaray Gaari casri ah oo ku shaqaynaya tamarta korontada oo si casri ah loo farsameeyay.

Shirkada TOGG ee Soo saartay Baabuurkan oo lagu magacaabaa SUV waxay sheegtay inay gacanta ku hayso 5 nooc oo kale oo baabuur ah kuwasoo suuqyada lagu iibin doono Sanadkan 2030 ka.

Dalka Turkiga oo marar badan isku dayay in uu soo saaro baabuur casri ah oo la heer ah kuwa ay soo saaraan dalalka Yurub iyo Mareykanka ayaa ku guul dareestay, hasa ahaatee baabuurkan cusub ayaa ah mid heerkiisu sareeyo oo Turkigu sumcad badan ku helay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here