Sawirro: Ugu yaraan 450 askari oo tababar kumaandoosnimo loogu qaaday Dalka Turkiga

ciidamada kumaandoos

Boqolaal Askari oo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa tababarka kumaandooska loogu qaaday dalka Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed Amar-dambe iyo Saraakiil kale ayaa Garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Ciidankan oo dalka turkiga u aaday tababar Ciidan.

Sidoo kale Ciidanka Maanta u ambabaxay dalka Turkiga oo d h an ilaa 450 Askari, ayaa ka tirsan Ururka Afaraad ee Gorgor Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii 500 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ay soo gaareen Magaalada Muqdisho, kadib markii tababarkoodii ku soo dhameysteen dalka Turkiga.

DAAWO SAWIRRADA:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here