Sawirro: Xukuumadda oo u guureysa xarun cusub iyo R/W Kheyre oo booqday

kheyre booqasho1

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha guriga xukuumadda (Ex-xaruntii xisbiga) oo lagu wado dib u dhis ballaaran.

Mudane Kheyre ayaa howl-wadeennada ka shaqeynaya dib u dhiska ka xog wareystay hannaanka ay u wadaan dhismaha.

Kheyre ayaa kula dardaarmay howl-wadeennada in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhammeeyaan, si loogu guuleysto in ay xukuumaddu ku shaqo billaawdo.

Guriga xukuumadda ayaa noqonaya xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo xarun dhexe oo ay xukuumaddu ku shaqeyso.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay weheliso wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sidoo kale kormeeray sida uu u socdo dhismaha garoonka ciyaaraha Muqdisho oo dayactirkiisa uu geba-gebo marayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here