Sen. Geelle oo ka digay in Madaxweyne mucaarad ah loo doorto hoggaanka Galmudug

sen geelle

Sanator Yuusuf Geelle Ugaas oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Galmudug iyo dadaallada ka socda Dhuusamareeb ee loogu jiro dhismaha maamul loo dhan yahay.

Senator Geelle ayaa sheegay in Galmudug ay ka soo daashay khilaafaad, loona baahan yahay in laga gudbo is jiid jiidkii hore ee lugaha qabtay horumarka maamulkaasi.

Sidoo kale wuuxuu tilmaamay in ka xildhibaano ahaan ay waayeen fursad ay uga shaqeeyaan deegaanada dowlad goboleedka Galmudug, isagoo sababta ku sheegay khilaafka madaxda maamulkaasi kala dhexeeyey kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Sanotor Yuusuf Geelle Ugaas oo hadalkiisa sii wata ayaa ka dalbaday xildhibaanada cusub inay u istaagaan badbaadinta Galmudug, wuxuuna uga digay inay doortaan Madaxweyne mucaarad ah, isaga oo carabka ku dhuftay inay muhiim tahay in la helo madax la shaqeyn karta dowladda dhexe, islamarkaana samatabixin karta Galmudug.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Galmudug ay hadda joogto meel wanaagsan, loona baahan yahay in horay loo sii socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here