Sh. Shaakir “Anagoo u tanaasuleyna Shacabka Galmudug ayaan aqbalnay heshiiska”

sh Shaakir

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlusuna ahna Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa soo dhoweeyay heshiiskii laga gaaray arrimaha Galmudug, isagoo caddeeyay in Ahlusuna u tanaasushay shacabka reer Galmudug.

War saxaafadeed uu soo saaray Sheekh Shaakir ayuu ku caddeeyay inay aqbaleen in Ahlusuna soo xulaan 20 Xildhibaan oo ka mid ah 89 Xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug, isagoo u mahadceliyay Culumaa’udiinka Ahlusuna meel kasta ay joogaan dadaalka ay geliyeen hirgelinta heshiis dhex mara dowladda Federaalka iyo Galmudug.

Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa waxaa uu uga mahadceliyay dowladda Federaalka dadaalada dheeraadka ah ee ay ku bixisay dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska Galmudug mideysan.

Sidoo kale Sheekh Shaakir ayaa u mahad celiyay Beesha Caalamka gacanta ay ka geysatay in Galmudug heshiis waara laga gaaro.

Halkan hoose ka akhriso:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here