Sheekh Shaakir iyo Macallin Maxamuud oo gaaray dalka Imaaraadka Carabta

macalin maxamuud iyo sheekh shaakir

Hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljaamaca ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay gaareen dalka Imaaraadka Carabta.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa hoggaaminaya wafdiga Ahlu Sunna, waxaana Dubai ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi.

Hoggaamiyeyaasha Ahlu Sunna ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, tan iyo markii ay isaga baxeen magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Shalay ayey sidoo kale aheyd markii  Ahlu Sunna ay soo saartay qoraal xasaasi ah oo kaga hadashay dagaalkii ka dhacay xarunta INJI ee magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here