Sheekh Shaakir iyo Tigabu oo kulmay iyo DF oo ciidamo cusub daabushay

sh shaakir tigabu Yilma

Madaxa Xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Taliyaha AMISOM ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb.

Taliyaha AMISOM Tigabu Yilma waxaa la socday saraakiil ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika, waxaana kulan gaar ah la qaateen mas’uuliyiin kala duwan.

Fadhiga ay yeesheen Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir waxa ay kala hadleen ammaanka Deegaanada Galmudug.

War kasoo baxay Xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug oo ki kooban lagu faah-faahiyay kulanka waxaa lagu sheegay in Taliye Tigabu iyo Sheekh Shaakir ay diiradda saareen sidii howlgal looga sameyn lahaa deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Dhinaca kale, wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Booliiska gaarka ah ee Dowladda la geeyay Magaaladaas.

Ciidamada loo yaqaan (Haramcad) ee tababarka gaarka ah la siiyay oo laga qaaday Magaalada Muqdisho ayaa laga dajiyay Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur.

Askarta waxa ay ku biireen ciidamo kale oo katirsan Booliiska sida gaar ah u tababaran oo 25-kii iyo 27-kii bishaan la geeyay Magaalada Dhuusamareeb.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa xoogga saartay Magaalada Dhuusamareeb oo lagu qabanayo Shirka dib u heshiinta Beelaha, xulista Baarlamaanka iyo Doorashada Madaxda cusub ee Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here