Sheekh Soomow: CC Shakuur waa inuu si deg deg ah u towbad keenaa

soomow iyo cc shakuur

Afhayeenka Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed Shiikh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Sheekh Abuubakar oo loo yaqaan Sheekh Soomow ayaa ka hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahaa inay jiraan culumo dafirayo xuquuqda Haweenka isla markaasna ku tilmaamayo inay yihiin kuwa caqli iyo Diin yar.

Cabdiraxmaan ayaa culumada ku eedeeyey inay adeegsadeen xadiisyo uu ku sheegay inay yihiin kuwa aan waxba ka jirin oo aan la ogeyn meesha laga keenay.

Sheekh Soomow oo arrintaan ka jawaabayey ayaa sheegay inuu Cabdiraxmaan ku xad gudbay Diinta Islaamka isla markaasna uu inkiray xadiisyo sax ah oo Rasuulka CSW laga soo wariyey sidoo kalana Qur’aanka lagu sheegay.

Sheekh Soomow ayaa tilmaamay in xadiith sax ah oo ay wariyeen Bukhaari iyo Muslim uu rasuulka ku sheegay in haweenka ay yihiin kuwa nusqaan ka ah xagga Diinta iyo Caqliga.

حَدَّثَنَا سَعِيدُ بْنُ أَبِي مَرْيَمَ، قَالَ أَخْبَرَنَا مُحَمَّدُ بْنُ جَعْفَرٍ، قَالَ أَخْبَرَنِي زَيْدٌ ـ هُوَ ابْنُ أَسْلَمَ ـ عَنْ عِيَاضِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ، عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ، قَالَ خَرَجَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم فِي أَضْحًى ـ أَوْ فِطْرٍ ـ إِلَى الْمُصَلَّى، فَمَرَّ عَلَى النِّسَاءِ فَقَالَ ‏”‏ يَا مَعْشَرَ النِّسَاءِ تَصَدَّقْنَ، فَإِنِّي أُرِيتُكُنَّ أَكْثَرَ أَهْلِ النَّارِ ‏”‏‏.‏ فَقُلْنَ وَبِمَ يَا رَسُولَ اللَّهِ قَالَ ‏”‏ تُكْثِرْنَ اللَّعْنَ، وَتَكْفُرْنَ الْعَشِيرَ، مَا رَأَيْتُ مِنْ نَاقِصَاتِ عَقْلٍ وَدِينٍ أَذْهَبَ لِلُبِّ الرَّجُلِ الْحَازِمِ مِنْ إِحْدَاكُنَّ ‏”‏‏.‏ قُلْنَ وَمَا نُقْصَانُ دِينِنَا وَعَقْلِنَا يَا رَسُولَ اللَّهِ قَالَ ‏”‏ أَلَيْسَ شَهَادَةُ الْمَرْأَةِ مِثْلَ نِصْفِ شَهَادَةِ الرَّجُلِ ‏”‏‏.‏ قُلْنَ بَلَى‏.‏ قَالَ ‏”‏ فَذَلِكَ مِنْ نُقْصَانِ عَقْلِهَا، أَلَيْسَ إِذَا حَاضَتْ لَمْ تُصَلِّ وَلَمْ تَصُمْ ‏”‏‏.‏ قُلْنَ بَلَى‏.‏ قَالَ ‏”‏ فَذَلِكَ مِنْ نُقْصَانِ دِينِهَا ‏”‏‏.‏

Sidoo kale wuxuu sheegay in aayado Qur’aanka ka tirsan lagu sheegay in marka ay haween marqaati noqoneyso ay shardi tahay in laba durmar ah u dhigmaan booska hal nin maadaama ay yar tahay xasuustooda iyo caqligooda.

Sheekh Soomow ayaa hadalka Cabdiraxmaan ku sheegay inay noqoneysa laba arrin midkood:

  1. Inuu Jaahil yahay oo uusan cilmi laheyn
  2. amainuu si kibir iyo madax adeeg ku saleysan uu u inkirayo xadiisyo laga wariyey rasuulka iyo aadayo Qur’aan.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay inuu ugu baaqayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur inuu si deg deg ah arrintaas uga towbad keeno haddii uusan ka towbad keenina ay go’aan qaadan doonaan culimada Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Sheekh Soomow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here