Sheekh Umal oo shaaciyey 4 koox oo isku baheystay intii uu joogay Muqdisho

sheekh umal2

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo dib ugu laabtay magaalada Nairobi ayaa si faahfaahsan u sharaxay sababata loo baajiyay muxaadaradii uu ku qaban lahaa magaalada Muqdisho, taasi oo markii danbe uu go’aansaday in la joojiyo ka dib markii ay mudaharaad kala hor yimaadeen culimada Suufiyada.

Sheekh Umal ayaa sheegay in baaqashada muxaadardaas ay isku baheysteen una midoobeen inay ka hor yimaadeen afar koox oo kala duwan.

” Soomaali Shiicawday, qolyo mawjadii kacdaba fuusha oo kursi ka dhex raadiya, daddana Al-Shabaab iyo Suufiyo isu yimid, oo kuligood dagaal ku hayaan calashaan muxadaraasi yaysan dhicin, maxaa ka dhaxeeya bal adiggu is waydii? wax kale oo ay isuggu yimaadaan ma jirto.

Sheek Umal oo si dadban ugu jawaabay siyaasiyiin ka falceliayy muxaadariisa ayaa sheeegay in uu ka xun yahay in wax aysan wax ka ogayn ay soo dhex-galaan.

“Qaar badan oo siyaasiyiin ah soo maydaan arag, oo dagaalka qayb ka ah, war siyaasiyoow muxaadaro la dhigayo maxaa ka galay, waxaas oo dhan baa yacni isu kaashanaya barnaamijka halaga tago.” Ayuu yiri Sheekh Umal.

Gabagabadii Sheekh Umal ayaa ka sheekeeyay dhibaatada baraha bulshadu keeneen, iyo dadka badan ee Soomaaliyeed ee sida qaldan wixii lasoo geliyo u qaata, waxaana uu sheegay in dhowr waxyaabood oo dhacay mudadii uu joogay magaalada Muqdisho laga been sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here