Shiinaha oo ka carrooday magac cusub oo Trump bixiyey cudurka Coronavirus

xi jingping

Shiinaha iyo Mareykanka ayaa is-weydaarsaday hadallo kulul kadib markii Beijing ay ka carrootay in madaxweyne Trump uu cudurka Coronavirus ugu yeeray magac cusub oo ah “Fayruska Shiinaha.”

“Dowladda Mareykanka waxay si awood leh u taageeri doontaa ganacsiyada, sida diyaaradaha iyo kuwa kale ee uu saameeyey Fayruska Shiinaha,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu Isniintii soo dhigay Twitter.

Bejing ayaa Talaadada sheegtay inay “si xooggan uga carrootay” hadalkaas, oo ay ku qeexday “mid la macno ah ceebeyn”.

Dowladda Mareykanka waa “inay si deg deg ah u joojisaa eedeymaheeda aan loo qiil dayin ee ka dhanka ah Shiinaha,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Geng Shuang.

Faallo lagu qoray wakaaladda wararka rasmiga ah ee Shiinaha ee Xinhua ayaa sidaa kale lagu yiri “isticmaalka magacyo cunsurinimo iyo naceyb ah si dillaaca cudurka loogu eedeeyo dalal kale waxay muujineysaa kaliya mas’uuliyad darrada siyaasiyiinta iyo waxqabad la’aantooda, taasi oo kordhin doonta cabsida Fayruska”.

Dagaaklka afka ah ayaa sare usii qaadaya xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal, taasi oo markii hore kasoo billaabay murunka dhanka ganacsiga ah, markii uu xukunka qabtay Trump.

Hadalka Trump ayaa waxaa sidoo kale laga dhalleeceeyey guudaha Mareykanka, ayada oo lagu qeexay kuwa dhalin kara fal-celin ka dhan ah bulshada Asian-American-ka ah.

“Bulshadeena Asian-American-ka ah – Dadka aad u adeegto – markii horeba way dhibanaayeen. Uma baahnaa inaad sii kordhiso isir naceybka,” waxaa sidaas Twitter ku qoray duqa magaalada New York Bill de Blasio, oo gobolkiisa uu ka mid yahay kuwa uu sida xun u saameeyey cudurka.

Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay in kiisaska Coronavirus ee laga diiwaan-gelinayo dunida inteeda kale ay imanka ka badan yihiin kuwa Shiinaha.

Coronavirus ayaa waxaa markii ugu horreysay laga helay dalka Shiinaha, dhammaadkii 2019.

AFP + VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here