Shiinaha oo shaaciyay dalka uu ku tuhmayo in uu ka dambeeyo xanunka corona

Coronavirus

Dalka Shiinaha oo ah wadankii ugu horeeyay ee uu ka dilaacay xanuunka corona ee hataan dunida ku faafay ayaa ka hadlay dalka uu ku tuhmayo in uu ka dambeeyay faafidda xanuunka corona.

Wakalaadda wararka ee Reuters ayaa warisay in afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Shiinaha, Zhao Lijian uu bartiisa Twiter-ka ku qoray in milateriga Mareykanka laga yaabo in xanuunka corona ay geeyeen magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka dilaacay xanuunka, saameynta ugu bandanna uu ku yeeshay.

“Waxaa laga yaabaa in ciidmaada Mareykanka ay xanuunkaasi safmarka ah geeyeen Wuhan, warkiinu ha cadaado, waxaana Mareykanka ka sugeynaa fahfaahin ku aadan arrinta” ayuu Zhao ku qoray bartiisa Twiter-ka.

Hadalka afhayeenka ayaa kusoo aaday xilli safiirka Shiinaha u fadhiya dalka Koonfur Afrika, Mr Songtian uu sheegay in xanuunka uu ka bilawday dalka shiinaha balse taas aysan ka dhigneyn in xanuunkas markiisi hore ka bilawday dalkaas.

Ilaa iyo hadda ma jira wax war oo ku aadan arrintaas oo ka so baxay Dowladda Mareykanka, waxaana sidoo kale aan la ogeyn sida ay suurtagal u noqon karto in ciidanka Mareykanka ay xanuunkaas ay geeyaan Wuhan iyo sababta, maadaama aysan kamid ah ahayn dalka Mareykanka.

Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa maalma kahor ku dhawaaqday in Caabuqa Corona uu yahay musiibo Saf-mar ah oo caalami ah.WHO ayaa in muddo ah isha ku heysay dhaq-dhaqaaqa cudurkan, iasagoo hadda ku fiday inta badan dalalka caalamka.

WHO
Tedros Adenom- madaxa hey’adda caafimmaadka adduunka ee WHO

Madaxa WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in cudurka uu si baaxad leh ugu fidiyay dibadda Shiinaha, oo ah halkii uu kasoo billowday.

Wuxuu sheegay in isagu “uu aad uga walaacsan yahay” waxa uu ku tilmaamay “heerarka naxdinta leh” ee uu sii gaarayo cudurkan.

Erayga “pandemic”, oo micnihiisu yahay “Saf-mar” waxaa loo adeegsadaa cudurrada hal waqti gudihiis ku faafa dalalka caalamka.

Hase yeeshee, Dr Tedros ayaa sheegay in tallaabada ay hay’adda WHO cudurkan ugu tilmaantay Saf-mar aysan micnaheedu ahayn in hay’addu ay baddaleyso taladii ay dalalka ku siisay waxa ay mudan yihiin inay sameeyaan.

Cudurkan ayaa si xowli ah ugu fidaya dalalka dunida, waxaana meelaha qeylo dhaanta ay kasoo yeereyso ka mid ah qaaradda Yurub.

Xanuunkan ayaa keenay in la xiro goobaha waxbarashada ee dalal badan oo ku yaala Yurub ah, waxaana uu sidoo kale ku dhacay dad caan ah iyo mas’uuliyiin badan.

Dadka haatan la sheegay in uu ku dhacay ayaa waxaa kamid ah tababaraha kooxda Arsenal, Mikel Arteta, xaaska ra’iisul wasaaraha Canada iyo wasiirka caafimadka ee Britain. Wasiir Nadine Dorries ayaa sheegtay in laga helay xanuunka corona, cudurkaasi oo haataan laga daweynayo.

Ms Dorries, oo sidoo kale ah xildhibaankii ugu horeeyay ee laga helo xanuunkan ayaa sheegtay in ay qaaday tallaabooyinka laga mamaarmaanka ah ee lagula taliyay, gurigeedana ay isku karantiishay.

Xanuunka corona ayaa la sheegay inay u dhinteen dad ka badan shan kun oo qof, halka inkabadan boqol kun oo qofna ay la daalaa dhacayaan waxyeeladiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here