Shimbiro sababay in diyaarad rakaab ay dhacdo

diyaarad moscow

Diyaarad rakaab siday ayaa si deg deg ah uga degtay xarun u dhaw Moscow ka dib markii ay shimbiro ku dhacday.

23 qof ayaa dhacdadaan ku dhaawacmay, sida ay saraakiisha caafimadka sheegeen.

Diyaaradan oo nooceeda yahay Airbus 321 ayaa u socotay Simferopol, Crimea markii ay baalasheeda ku dheceen shimbiro taasi oo motoorka diyaaradda wax yeelaysay.

Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa in diyaaradda ay degto ku tilmaamay “mucjiso”.

Shirkadda ayaa sheegtay in diyaaradda uu burbur weyn ka gaaray garbaha ay ku duusho ayna duuli weyday, baaritan rasmi ah ayaa la sheegay inuu socdo.

Diyaaradda waxa saarnaa 233 qof oo rakaab ah. Shimbiraha ayaa galay matoorka, waxayna gaarsiiyeen waxyeelo.

Duuliyayaasha diyaaradda ayaa go’aansaday in ay si deg deg ah u dajiyaan.

Mid ka mid ah rakaabka diyaaradda ayaa warbaahinta qaranka ee Ruushka u sheegay in diyaaradda ay bilawday dhaqdhaqaaq markii ay kacday ka dib.

Rakaabkii saarnaa diyaarada ayaa lagu amray inay si degdeg ah uga degaan, waxaana isbitaal lagula cararay kuwii dhaawacmay.

Wasiirka caafimaadka ee Ruushka ayaa sheegay in shan carruur ah ay ka mid yihiin dadkii isbitaalka lagu daweynayo.

Madaxa Ural Airlines, Kirill Skuratov, ayaa warbaahinta u sheegay in rakaabkii saarnaa diyaaradda ay rabeen in safarkooda ay sii wataan.

Warbaahinta Ruushka ayaa dhacdadaan la mid dhigay mid 2009-kii ka dhacday dalka Maraykanka oo ay diyaarad si dhaqso ah ugu dagtay agagaarka webi daqiiqado ka dib markii ay cagaha dhulka ka qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here