Shir ku saabsan dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya oo ka furmay Addis Ababa

shir maalgashi somalia

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa magaalada Addis Ababa ka furmay Shir looga hadlayo dhiiragelinta Maalgashiga, kaasoo ay soo qaban qaabisay Hey’adda IFC oo ka tirsan Bankiga Adduunka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha C/casiis Ibraahim Aadan ayaa daah furay shirkan, waxaana uu socon doonaa muddo saddex cisho ah.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socda dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo diiradda lagu saarayo sida loo horumariyo dhinacyada kala duwan ee Maal-gashiga.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga ayaa u jooga Addis Ababa sidii kor loogu qaadi lahaa dadaalka ku aadan in dalka loo soo jiido maalgashadayaal caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here