Shirka wadahadallada Somalia iyo Somaliland oo Muqdisho ka furmay

Shirka wadahadal somalia somaliland

Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Xukuumadda Somaliland u aqoonsatay Maamul Goboleed aan aqoonsanayn Dastuurka ku meel-gaarka ah Somalia, sidoo kale wadahadal lala furaana aanay miro dhal noqonayn, sidaasdarteed waxay beryahanba ku hawlanayd sidii ay ula xidhiidhi lahayd shacabka iyo degaamada Somaliland, iyadoo shirkii ugu horeeyey ee looga arrinsanayo wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland uu maanta ka furmay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, taasoo bilow u ah qorshaha wadahadalka looga weecinayo Xukuumadda Somaliland.

Shirka oo ah mid hordhac ah ayaa waxaa ka qeyb galaya, waxgarad matalaya Somaliland oo isxilqaamay iyo xubnaha gudiga wadahadalka ee uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya.

Muddada uu shirkaan socdo ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sii wadida geedi socodka wadahadallada labada dhinac iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan.

Warar dheeraad ah oo isa soo taraya ayaa sheegaya in Xukuumada Federaalku ay diyaarinayso Maqaamka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn.

Waxgaradka shirkan Somaliland ku metelaya ayaa isu xilqaamay sidii ay isu xilqaameen odayaashii dhexdhexaatinta ka sameeyey muranka Xisbiyada Somaliland ee ku saabsanaa Gudiga Doorashooyinka ee cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here