Shirkadda Jubba Airways oo dacwad ka furtay Kenya dibna loogu fasaxay shatigii Somalia

jubba airways

Shirkadda Jubba Airways ayaa dacwad ka furtay Maxkamadda Sare ee Kenya, ayada oo ku dooday in diyaaraddii sabtidii ka degtay magaalada Kismaayo ay fasax la’aanteeda isticmaasha ruqsaddeeda.

Jubba Airways ayaa kiiskeeda ku sheegtay in diyaaraddan oo ay lahaayeen ganacsato ku duushay Ruqsadda Jubba Airways, iyadoo aysan wadin duuliyayaashii shirkadda, islamarkaana aysan shirkaddu ka war hayn.

Diyaaradda ayaa waxaa duuliye lagu magacaabo Alex oo Kenyan ah, oo la rumeysan yahay inay lacag siisay Jubaland.

Kiiska Jubba Airways ay u gudbisay maxkamadda sare ee Kenya ayaa ku eedeeyey Alex, oo ahaa duuliyihii diyaaraddii Kismaayo ka degtay, inuu waday diyaaradda oo magaca Jubba Airways ku diiwaan gashan.

Jubba airways ayaa dalbatay in Nairobi laga xanibo diyaaradii ku duushay ruqsadeeda.

Tallabada ay qaaday Jubba Airways ayaa timid kadib markii dowladda Soomaaliya ay shalay ku war-gelisay in lagala laabtay ruqsaddii ay uga howl-galeysay Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay wada-hadall dheer oo shalay illaa xalay u socday Jubba Airways iyo dowladda ayaa mas’uuliyiinta Jubba ku doodeen inaysan ka war-hayn diyaaraddii tagtay Kismaayo ee ruqasaddooda lagu kaxeeyey.

Jubba ayaa codsatay in ruqsadda dib loogu fasaxo, islamarkaana ay maanta kiis ka dhan ah arrintan u gudbineyso maxkamadda sare ee Kenya, kaasi oo dowladda ay ku qanacday, waxayna Jubba, duulimaadyo ku kala aaday magaalooyinka Kismaayo iyo Gaalkacyo.

Diyaaradda Fokker 50, oo lambarka diiwaankeedu yahay 5Y-JXJ, kana diiwaan gashan dalka Kenya, ayaa sida la sheegay ku duuleysay shati ay leedahay shirkadda Jubba Airways oo ka mid ah shirkadaha duulimaadyada dalka.

Diyaaradaas ayaa jabisay xayiraadii ay dowladda federaalka ku soo rogtay bishii hore magaalada Kismaayo, taas oo ahayd in diyaaraddi tagaysa ama ka duulaysa magaaladaas ay waajib ku tahay in ay soo marto magaalada Muqdisho iyo sidoo kale, amar kale oo ahaa in 24-saac ka hor ay diiyaaradu soo gudbisato codsigeeda ku aadan duulimaadka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here