Sideed qof oo lagu toogtay dalka Jarmalka

police germany

Sideed qof ayaa lagu dilay baar ku yaala Magaalada Hanau ee dalka Jarmalka kadib toogasho ka dhacday halkaas.

Booliska dalka Jarmalka ayaa BBC-da u sheegay in ugu yaraan shan qof ay sidoo kale dhaawacmeen, kadib markii dabley hubeysan ay rasaas ooda uga qaadeen dadkii fadhiyay baarka.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay ku raad joogaan dadkii geystay weerarka oo markii uu falka dhacay ka baxsaday goobta.

Warbaahinta maxaliga ee dalka Jarmalka ayaa kusoo warrantay in weerarka koowaad uu ka dhacay baar ku yaala bartamaha Magaalada, halka kan labaadna uu ka dhacay xaafadda Kesselstadt ee isla Magaalada Hanau.

Warbaahinta Hessenschau ayaa sheegtay in dableyda weerarka fulisay oo aan heybtooda la aqoonin ay markii koowaad saddex qof ku dileen baar shiishadda lagu cabo oo ku yaala bartamaha Magaalada, kahor inta aanay usoo dhaqaaqin goob kale oo lagu qaxweeyo, halkaas oo ay sidoo kale ku dileen shan qof oo kale.

Goobta ay weerarada ka dhaceen ayaa waxaa haatan ku sugan booliska, waxaan gaafwareegaya diyaaradaha sida qumaatiga u kaca ee helikobtarada.

Baabuur madow ayaa la arkay isagoo kasii dhaqaaqaya halka ay weerarada ka dhaceen, ilaa iyo haddana lama garanayo ujeedada ka dambeysay weerarka.

Magaalada Hanau oo katirsan gobolka Hessen ayaa 25 kilomitir waxay dhanka bariga kaga beegan tahay Magaalada Frankfurt.

Weerarkan ayaa yimid afar maalin un kadib markii weerar kaa lamid ah uu ka dhacay Magaalada caasimadda ee Berlin, halkaas oo lagu dilay hal qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here